QM waxay dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeynaysaa bilashada Bisha Soonqaad

war-saxaafadeed_-_cusub.jpg

Muqdisho – Bilowga Bisha Barakaysan ee Ramadaan awgeed, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan dadka Soomaaliyeed munaasabaddan qiimaha badan.

“Bisha Ramadaan waa xilli ay qoysaska, saaxiibbada, deriska iyo bulshada guud ahaan isku yimaadaan si ay u wadaagaan farxadda munaasabaddan gaarka ah, iyagoo si wadajir ah u afuraya una cibaadaysanaya, isla markaana muujinaya jawi naxariis, midnimo iyo dib-u-milicsi. Anigoo ku hadlaya magaca bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaan qof walba u rajeynayaa Ramadaan xasilloon oo nasasho leh. Ramadaan Kariim, Ramadaan Wanaagsan!” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa mar kasta ka go’an inay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ku garab-istaagto baadi-goobka ay ugu jiraan xaqiijinta dal nabdoon oo barwaaqo ah.